Warar
“Cid awood u leh muddo xileedka Axsaabta in ay maalin ka dhinto ma jiri doonto” Murrashaxa Xisbiga Waddani
MurraMurrashaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal shalay ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland Mduane Muuse Biixi Cabdi, oo sheegay in doorashada Ururradu ka soo horeynayso ta Madaxtooyada

Murrashaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal shalay ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland Mduane Muuse Biixi Cabdi, oo sheegay in doorashada Ururradu ka soo horeynayso ta Madaxtooyada.
Murrashax Cirro oo shir jaraa’id qabtay ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan marnaba suurto gal ahayn, waxaanu yidhi
“Ma dhacayso Xisbiyo urruro noqonaya, mana suurtoobayso Urruro ka qeyb gali doona Doorashada Madaxtooyada ee 13ka November, cid awood u leh muddo xileedka Axsaabta in ay maalin ka dhinto ma jiri doonto, sida aanay suurtogal u ahayn in muddo xileedka Madaxweynaha maalmo laga dhimo “.
Murrashaxa Xisbiuga Mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha Somaliland