Warar

Wasiir Xukuumadda ka tirsan Oo Ku dhawaaqaya Urur-siyaasaddeed

Ururkan ayaa loogu wanqalayaa Khamiista Hargeysa

 

 

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), ayaa maalinta khamiista ah ku dhawaaqaya Urur-siyaasaddeed cusub oo lagu magacaabo Waaberi.

ķ

Wasiir Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo maalmihii u dambeeyey kulamo is daba joog ah la yeelanayey Aqoonyahannada, siyaasiyiinta, Waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ah, oo uu kala tashanayey damaciisa Urur-siyaasaddeed, ayaa waxa uu ka dib kulamadan si rasmi ah u shaacin doonaa Urur-siyaasaddeedkan Waaberi, maalinta khamiista ee 31-bishan March.

U diyaargarowga xafladda shaacinta Urur-siyaasaddeedka Waaberi, ayaa si weyn looga dareemayaa Magaalada Hargeysa, iyada oo ku dhawaaqista Ururkan ay ka qayb geli doonaan dadweyne kala duwan oo ka kala iminaya gobollada dalka.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button