Warar

Xafladda Lagu shaacinayo Urur-siyaasaddeedka Waaberi

Boqolaal dadweyne ah ayaa ka soo qayb galay xafladda

Xafladda shaacinta Urur-siyaasaddeedka Waaberi Party ayaa si rasmi ah uga bilaaban tahay Huteel Guleed ee Magaalada Hargeysa.

Xafladda lagaga dhawaaqayo Urur siyaasaddeedka Waaberi oo uu aasaase ka yahay Wasiirkii Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash oo isagu xilkaas iska casilay shalay.

Boqolaal qof oo isugu jira madax dhaqameed, Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, Xildhibaanno ka tirdan Golaha Wakiillada iyo Guurtada, Haween, dhalinyarro, masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye iyo dadweyne kale.

Sidoo kale xafladdo kale oo lagu shaacinayo Urur-siyaasaddeedkan cusub ee Waaberi, ayaa lagu qabanayaa isla maanta Magaalooyinka waaweyn ee dalka.

 

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button