Warar
Komishanka doorashooyinka Somaliland Oo Sheegay in diiwaan gelinta codbixiyeyaashu bilaabi doonto Bisha Dambe
Komishanka doorashooyinka Somaliland Oo Sheegay in diiwaan gelinta codbixiyeyaashu bilaabi doonto Bisha Dambe

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waaxa xafiiska maanta boqosho ugu yimi wafti uu hogaaminayo Safiirka Sweden u qaabilsan arrimaha Somaliland Ambassador Per Lingarde, waxaa kale oo socdaalka ku wehelinayey la taliyihiisa arrimaha nabadgelyada & dib u heeshiisinta Mr. Johan Svensson.
Waftiga & Komishanku waxay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya Doorashooyinka & Horumarinta Dimuqraadiyadda Somaliland.
Waxay kaloo ka wada hadleen habsami u socodka & u diyaargarawga Diwaangelinta Codbixiyeyaasha dhici doonta bisha May, 2022 ee fooda inagu soo haysa.