Warar

Xog ku saabsan degmo walba Cashuurta ay ururiso iyo Lacagta Dawladda Dhexe ku celiso

Xog ku saabsan degmo walba Cashuurta ay ururiso iyo Lacagta Dawladda Dhexe ku celiso

Xogtani waxay soo koobaysaa degmo waliba cashuurta ay soo urursato iyo lacagta dawlada dhexe ku celiso, tusaale 2020 Hargeisi waxay soo urursatay cashuur u dhiganta 16.5 Million ISD, dawlada dhexe waxay ku celisay 1.7 million USD, halka Berbera oo gabigeeduba soo urursatay 1.3 Million USD, dawlada dhexe siisay 12.4 million USD, waxa haddaba is waydiin mudan Hargeisa oo ay ku nool yihiin cashuur bixiyeyaasha ugu badan maxaa 1.7 million USD loogu qoondeeyay, Berberana 12.4 Miillion USD? Waxa kale oo xusid mudan magaaloba magaalada ay ka dad badan tahay adeegyada Caafimaad, Waxbarasho, Jidad, Biyo iyo
Laydh ee ay u baahan tahay waa ka badan yihiin, markaa ma waxay ahayd in magaalada dadka badan Kabka iyo Kaalmada dawladu ku celiso looga badiyo mise in looga garee yo?

Waxa noocasa waxa jidaynaya Xeer 23/2019.

Dakhliga Gudaha ee Degmo Waliba soo urursato:

1. Hargeysa – $16.5 million
2. Burco – $3.9 million
3. Borama – $2.9 million
4. Berbera – $1.3 million
5. Laascaanood – $800,935 kun
6. Gabiley – $331,662 kun

Dakhliga Dawladda Dhexe ku celiso, iyo sida ay u kale badsadaan:

1. Berbera – $12.4 million
2. Gabiley – $4.9 million
3. Hargeysa – $1.7 million
4. Borama – $1.5 million
6. Laascaanood – $1.4 million
6. Burco – $1.4 million
7. Ceerigaabo – $1.37 million

Xeerkan waa khasab in Kaabis iyo wax ka BADAL lagu sameeyo oo cadaalada la wafaajiyo.

Waxa qoray Ahmed Mohamed

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button