Somalia Oo Eriday ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya
Somalia Oo Eriday ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dalka ka ceyriyay ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira, isagoo ku amray inuu dalka uga baxo muddo 48 saacadood ah.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka codsaday Guddiga Midowga Afrika in ay u yeeraan Danjire Francisco Madeira oo ay u hoggaansamaan codsigaas.
“Waan soo dhaweyneynaa howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) waxaana rajeyneynaa inaan la shaqeyno madaxa cusub ee howlgalka,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha ayaan faah faahin ka bixin sababaha uu Madeira ugu amray inuu dalka ka baxo, balse waxaa mar walba jiray tuhuno la xiriira inuu saaxiib dhow la yahay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xil ka qaadista Danjire Francisco Madeira ayaa imaaneysa shan bilood ka dib markii dowladda Federaalka ay sidoo kale shaqada ka ceyrisay ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo November 4, 2021.