Warar
“Wasaaradda Hawlaha Guud Shaqo Kuma laha dib u dhiska Suuqa Waaheen” Ismaaciil Yare
"Wasaaradda Hawlaha Guud Shaqo Kuma laha dib u dhiska Suuqa Waaheen" Ismaaciil Yare

Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare), oo ka mid ah Masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in aanay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo guryeyntu aanay shaqo ku lahayn in ay maamusho dib u dhiska Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa oo uu baabiiyey dab ka kacay horaantii bishan.
Ismaaciil yare oo ka mid ahaa Madaxda uu hoggaaminayey Murrashaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo suuqa Waaheen ee gubtay kormeer ku tegay, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Suuqu uma Baahna meel ay plan u samayso hawlaha guud waxaana shaqadeedii ay tahay Dawlada Hoose meel hawlaha guud ay ka soo galaana ma jiraan xeer u ogolaanayana. Muuse Biixi waxaan leeyahay kuwii Xilka kaaga dambaynayey waa anaga”