Warar

Dufcaddii Labaad Ee Shaqo Qaran Oo La Sheegay In Aanay Dhawr Bilood Mushahar Qaadan

Dufcaddii Labaad Ee Shaqo Qaran Oo La Sheegay In Aanay Dhawr Bilood Mushahar Qaadan

Dufacadii labaad ee shaqo Qaran ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u dirtay baaq ay kaga cabanayaan in aan la siin mushaharkii saddexdii bilood ee sanadkan 2022 ugu horeeyay oo ay dhamaysteen wakhtigii internship ay ku joogeen hay’daha Dawlada sanadkii hore 2021-ka oo sanadkan mushaharkoodii rasmiga ahaa u bilaabmayay.
Madaxweynaha ayay si sharaf, tixgalin iyo qadarin leh uga codsadeen inuu baaqooda hoos u eego oo uu wax ka qabto cabashadooda.
Waxay sheegen inay kala hadleen arrinkaas wasaarada Maaliyada, wasaaradaasina u sheegtay inay mushaharkooda u doontan wasaarada waxbarashada iyo sayniska wasarada Waxbarashaduna u sheegtay inay u hayso gunooyinkoodii ay horeba u qaadan jireen oo keliya se wax mushahar ah aanay hayn.
Qaar ka mid ah Ardaydii dufcada labaad ee Barnaamijka Shaqo Qaran oo ila soo xidhiidhay ayaa ii sheegay inay sidoo kale gaadhsiyeen xarumaha dawladeed ee ay khuseyso cabashadoodu ilaa hadana ay sugayaan jawaabta cabashadooda ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ay u gudbiyeen.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button