Warar

Wasiirka Khayraadka Biyaha Oo ku wareejiyey Wakaaladda Biyaha Burco Gaadiid iyo Qalab oo loogu talo galay horumirinta Addeegyada biyo siinta Burco

Wasiirka Khayraadka Biyaha Oo ku wareejiyey Wakaaladda Biyaha Burco Gaadiid iyo Qalab oo loogu talo galay horumirinta Addeegyada biyo siinta Burco

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland, ayaa ku wareejiyey Wakaaladda Biyaha ee Magaalada Burco Gaadiid iyo Qalab kala duwan oo loogu talo galay horumirinta Addeegyada biyo siinta ee bulshada ku dhaqan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.
Qalabkan ay Wakaaladda biyaha Burco soo iibsatay, ayaa waxa maal geliyey Baanka dhexe ee Somaliland, waxaana munaasibaddii lagu wareejiyey qalabkan, goob joog ka ahaa Masuuliyiin uu ka mid ah Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo xubno kale
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Biyaha JSL Md Cali Xasan Maxamed ayaa xadhiga ka jaray ceelka 20-aad ee wakaaladda oo laga qoday xaafada Actober ee magaalada Burco.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button