Warar

“Kuwa Xamar ee aad Isku-dhexmaran tihiin Run u sheega” – Madaxweyne Muuse Biixi

“Kuwa Xamar ee aad Isku-dhexmaran tihiin Run u sheega” – Madaxweyne Muuse Biixi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa kulan ballaadhan oo Afur iyo casho isugu jira u sameeyey culimo’awdiinka kala duwan ee dalka, kuwaas oo isaga kala yimi gobollada iyo degmooyinka Dalka.

Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayaan madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyeyaasha ciidamada dalka, agaasimeyaal guud, culimada kala duwan ee dalka iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah, islamarkaana ah mid sannadleh ah, ayey ujeeddadiisu tahay is-xogwaraysi, kala qaadashada wixii talo iyo tusaale ah iyo duco caam ah oo ay culimadu ugu duceeyaan dadka iyo dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey culimada dalka, waxana uu ku tilmaamay astaan diimeed oo haybad iyo karaamo diineed huwan, islamarkaana uu madaxweyne ahaan uu qaddarin iyo Sharaf weyn u hayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Qiimaha ay culimadu ku leedahay dalka iyo bulshadu waa mid weyn oo waa dhaxalkii Ambiyada, waxana aan raacsanahay fikradda ah Diintu waa Asal, dawladda iyo shacabkuna waa Ilaaliyaan, sidaas darteed qiimaha ay culimadu leeyihiin baan kusoo dhaweynayaa, waanan ku qaddarinayaa.”

Madaxweynuhu waxa uu culimada ugu baaqay inay bulshada ka waaniyaan cid kasta oo fikir qalloocan iyo fidmo faafinaysa, waqtina geliyaan midnimada bulshada, adkaynta ammaanka iyo ilaalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button