Warar

“Barashada Waddaniyadu qabyaaladda ayeynu kaga baxaynaa” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

"Barashada Waddaniyadu qabyaaladda ayeynu kaga baxaynaa" Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

“Barashada Waddaniyadu qabyaaladda ayeynu kaga baxaynaa” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in barashada Dastuurka iyo Waddaniyadu ay tahay waxyaabo badan oo Qabyaaladu ugu horreyso lagaga baxayo.
Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlayey munaasibad tababar loogu soo xidhayey 3000 oo arday oo qaatay tababar la xidhiidha Distuurka iyo Waddaniyadda, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaan halkan uga hambalyeynayaa dhalinyarada tababarku ku saabsan distuurka iyo Waddaniyadu loo soo geba geboobay . Waxaanan ugu hambalyeynayaa Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Distuurka hawshaas hawlkarnimada ah ee ay qabteen. Runtii waa arrin lagu farxo in dhalinyaradeenna iyo dayarteenna aynu ku tababarno, oo xilli hore lagu tababarro oo ay aqoon u yeeshaan Distuurka, oo ay bartaan xuquuqda ay leeyihiin oo ay sheegeen, oo ay bartaan waajibaadka saaran ee dalkooda iyo dadkoodu ku leeyihiin, oo aanay iskaga khaldamin waajibaadka iyo xuquuqaadku, arrintaas aad ayaan u soo dhawaynayaa.”
Waxa uu intaasi raaciyey Guddoomiyuhu “Waxa kale oo aan soo dhawaynayaa in ay bartaan Waddaniyada, oo ay ogaadaan qiimaha uu leeyahay Waddankoodu iyo meesha ay wax ku yihiin ogaadaan halka (Somaliland), oo ah halka ay ku dhasheen ee ay ku barbaareen. qofku waxa uu qiimihiisa garanayaa ha ahaado qof masuul ah oo xil haya amma shakhsi caadi ah ha noqdee, marka uu dalkiisa ka baxo ee uu tago dal kale ayuu garanayaa waddaniyadu waxa ay tahay iyo waddanku waxa uu yahay. Waxaan runtii is leeyahay wax badan ayeynu kaga baxaynaa in dhalinyaradeennu bartaan shuruucda dalka oo uu ugu horreeyo Distuurka Dalku oo ka turjumaya shareecada islaamku iyo dhaqankeenna suuban, waxa kale oo aynu wax badan kaga baxaynaa in aynu barano waddaniyada, oo aynu ka abxno marka koowaad hiyi kaca iyo hanqal taaga dibedda iyo waddamada shisheeye iyo waxyaabo badan oo dhib innagu ah oo ay qabyaaladu ugu horreyso in aynu kaga bogsano oo kaga dawono.”

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button