Warar

Sidee looga xusay Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka May

Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland

sannad-guuradii 31-aad ee ka soo wareegtay maalintii Somaliland ku dhawaaqday in ay dib ula soo noqotay Madax bannaanideed, ayaa si weyn looga xusay guud ahaan Somaliland.

Guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxa subaxnimadii hore ee saaka si weyn looga dabbaal-degay xuska munaasibadda 31-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 18-kii May 1991-kii.

Caasimadda Hargeysa, waxa lagu qabtay munaasibaddii ugu ballaadhneyd ee lagu xuso sannad-guurada 18 May, iyadoo fagaaraha xuska maalinta xorriyadda ay soo mareen ciidamo iyo tekniko tiro badan oo markii u horeysay ka qayb-qaatay xuska maalinta.

Madaxweynaha Somaliland, Shir-guddoonnada Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada, Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Kala duwan ee Qaranka, xildhibaanno iyo, Marti-sharaf ka kala timi dalalka deriska iyo dadweynaha caasimadda, ayaa si weyn uga qayb-qaatay xuska munaasibadda 18 May.

Magaaooyinka waaweyn ee gobollada dalka oo ay ugu horreeyaan Boorama, Burco, Gabiley, Berbera, Laascaanood iyo Ceerigaabo, ayaa si weyn looga xusay munaasibadda 18-ka May, waxaana dadweynaha degmooyinkaas kala qayb-galay masuuliyiinta qaranka iyo sraakiisha ugu sarreysay Xisbiyada Mucaaradka.

Sidoo kale, waxa xuska munaasibadda maalinta si weyn looga dabbaal-degayaa dunida dacalladeeda  iyo meel kasta oo ay ku sugan yihiin shacbiga Somaliland

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button