Warar

Guddoomiyaha Ku-meel Gaadhka Waaberi Oo Soo Dhaweeyey Ansixinta Guddida Diiwaan gelinta, sheegayna in Ururradu furan yihiin

"Shalay waxa dhacay wax aad ugu wanaagsan dawladnimadeenna" Ataasha

Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Urur-siyaasaddeedka Waaberi Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), ayaa soo dhaweeyey ansixinta xubno ka mid ah Guddida diiwaan gelinta Ururrada Siyaasadda iyo kala saarista Asxaabta qaranka.

Cabdirisaaq Ataash oo warbaahinta kula hadlayey Magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay doorashooyinka soo socda, oo ka hadlayey arrimahaasi waxa uu yidhi

“Shalay waxa dhacay wax aad ugu wanaagsan dawladnimadeenna, oo u adeegaya xeerarkii dalkeennu lahaa, markaa aad Ayaan u soo dhawaynayaa, waxanan u hambalyeynayaa guddida heer qaran ee diiwaan gelinta iyo kala saarista Asxaabta qaranka ee shalay Barlamaanka Somaliland meel mariyey oo maanta ah Hay’ad qaran oo waddankani leeyahay oo shaqadiisii qabsan doona, baarlamaankii ansixiyeyna waa u hambalyeynayaa” Ayuu yidhi Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Urur-siyaasaddeed Waaberi, waxaanu intaasi raaciyey “Annagu haddii aanu nahay reer Waaberi, oo ah urur badan badan oo kumanaan gaadhayaa lambar ka yihiin, markaa annaga aragtiyadu waxa weeye in la gaadhay wakhtigii Ururrada la furi lahaa, taas oo ah heshiiska bulshadan ka dhexeeya oo ah in 10-kii sannoba hal mar la furo ururrada Siyaasadda iyo saxaabta qaranka, lix bilood oo ah inta aanay 10-kooda sanno dhamaan,si ay markaa ula kala waregaan Xisbiyadu sida Madaxweyneyaasha oo kale.

 

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button