Warar
Saamiga Mashaariicda Dhismaha iyo Degmooyinka Dalka
Saamiga Mashaariicda Dhismaha iyo Degmooyinka Dalka

Saamiga Mashaariicda Dhismaha iyo Degmooyinka Dalka
2018 – 2022 dawladda dhexe waxay u qoondaysay hantida raagta (dhismayaasha, iibka qalabka, gadiidka, iwm) lacag ku dhaw 65 Milyan USD. Celcelis ahaan sannad kasta waxa hantida raagta loo qoondeeyaa 6.3% miisaaniyada ka mid ah and 12.7 Milyan (USD), haddaba mashaariicda dhisme ee miisaaniyadan laga maalgaliyay halkee ayaa laga hirgaliyay?
Miisaaniyadihii 2019 – 2022 waxaa ka muuqda 198 mashriic dhisme ah oo la xusay goobaha loo qoondeeyay. Gobolka ugu saamiga badan waa gobolka Maroodi Jeex oo helay saami dhan 47%, isugeyn gobolada galbeedku waxay heleen saami dhan 66%, halka kuwa barigu noqonayaan 34%.Degmooyinka ugu saamiga badan waxa hogaaminaya Hargeysa (52), Gebiley (19) iyo Berbera (18).

F.G Mashaariicdan kuma jiraan kuwa ay maalgaliyaan qaadhaan bixiyaayaashu.
Waxa qoray Abdiqani Muse Engsaabir