Warar

TPLF oo shacabka gobolka Tigray ugu baaqday inay qoriga qaataan

TPLF oo shacabka gobolka Tigray ugu baaqday inay qoriga qaataan

Kooxda TPLF ee dagaalka kula jirta dawladda Itoobiya ayaa warbixin ay soo saareen waxay dadka u dhashay gobolka Tigray ugu baaqeen inay u soo baxaan safka hore ee dagaalka oo ay qoriga qaataan si ay iskaga difaacaan ciidamada soo duulay ee Itoobiya iyo Eritariya, waa siday hadalka u dhigeen kooxda TPLF.

Sidoo kale kooxda TPLF ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya iyo Eritariya in ay duqaymo joogto ah ka wadaan goobaha ay deggan yihiin dadka rayidka ah, iyagoo ka dhigaya inay duqeynayaan fadhiisimaha TPLF.

Baaqan ay kooxda TPLF soo saartay ayaa kusoo hagaagaya iyadoo dib u dhac uu ku yimid wadahadalladii nabadeed ee ay soo qabanqaabiyeen Midowga Afrika, kuwaas oo lagu waday in toddobaadkan madaxiisa ay ka furmaan dalka Koonfur Afrika.

Dowladda Itoobiya iyo kooxda maamusha gobolka Tigray ee TPLF ayaa labadooduba waxay imbadan ku celceliyeen inay mar walba wadahadal nabadeed diyaar u yihiin, balse waxaa marba marka xiga sii xoogaysanaya dagaalka iyo duqaymaha ka socda gobolka Tigray.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button