Warar

Beesha Caalamka Oo dhinacyada Siyaasadda Somaliland ku cadaadinaya in ay xal gaadhaan

Beesha Caalamka Oo dhinacyada Siyaasadda Somaliland ku cadaadinaya in ay xal gaadhaan

Beesha Caalamka Oo dhinacyada Siyaasadda Somaliland ku cadaadinaya in ay xal gaadhaan

Dalalka Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka, ayaa ku cadaadinaya Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Goleyaasha Guurtida, Wakiillada iyo Xisbiyada Somaliland in ay xal ka gaadhaan muranka muddada sannad ku dhow ka taagan qabsoomida doorashoyinka Somaliland.

Dalalkan beesha caalamka oo qaarkood Hargeysa yimaadeen ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Xisbiyada Mucaaradka ah, Guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada iyo qaybo ka mid ah bulshada rayidka ah.

Dublamaasiyiin ka socday dalalka Ingiriiska, Sweden, Finland, ayaa toddobaadkii u dambeeyey kulamo gaar, gaar ah la yeeshay dhinacyada Siyaasadda ee Somaliland, kuwaas oo ay kala hadlayeen sidii xal deg deg ah iyo is afgarad looga gaadhi lahaa caqabadaha ku gedaaman arrimaha doorashooyinka Somaliland, oo ay si weyn isugu maandhaafsan yihiin Mucaaradka Somaliland iyo Xukuumaddu.

Safiirka Ingiriiska ee Somalia, Kate Foster oo ka mid ahayd Dublamaasiyiintan Somaliland u yimid dedaallada la isugu soo dhawaynayo Dhinacyada Siyaasadda Somaliland ee isku haya arrimaha doorashooyinka ayaa kulamo ay si gaar gaar ah ula yeelanay Guddoomiyeyaasha xeer dejinta Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka ah waxay kala hadashay in si wada jir ah looga shaqeeyo xal la isla ogol yahay oo suurto geliya in khilaafka la soo afjaro, isla markaana la abuuro jewi doorashooyin lagu qaban karo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa muujiyey in ay gole wakiil ahaan diyaar u yihiin in ay qayb ka noqdaan xal u raadinta khilaafka siyaasaddeed ee Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Dalalka Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka, ayaa tan iyo intii golaha Guurtidu muddada labada sanno ah u kordhiyeen Madaxweyne Muuse Biixi, iyagu korodhsadeen 5 sanno, waxa ay walaac ka muujinayeen xaaladda siyaasaddeed iyo muddo kordhinta ka baxsan wakhtigii Komishanku sheegeen in ay ku qaban karaan doorashada Madaxtooyada, iyaga oo dhinacyada ugu baaqay in ay xal gaadhaan.

 

Saxansaxo

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button