Warar

Diblomaasiyiin Somaliland la saaxiib ah oo ka biyo diiday muddo kordhinta loo sameeyay Xukuumadda.

Diblomaasiyiin Somaliland la saaxiib ah oo ka biyo diiday muddo kordhinta loo sameeyay Xukuumadda.

Diblomaasiyiin Somaliland la saaxiib ah oo ka biyo diiday muddo kordhinta loo sameeyay Xukuumadda.
Diblumaasiyiin Maraykan ah, ayaa ka hadlay Muddo-kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha Somaliland.
Marka koowaad, Ambassador Tibor Nagy oo hore u ahaa Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka u qaabilsan Afrika isla-markaana soo noqday Safiirka Maraykanka ee Itoobiya, ayaa sheegay in saaxiibbada Caalamka ee Somaliland ka niyad jabeen Muddo-kordhinta 2-da Sanadood ah ee Golaha Guurtidu u sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Ambassador Tibor Nagy waxa kale oo uu ka faallooday hadal uu madaxweynaha Somaliland ka yidhi Go’aankii Golaha Guurtidu uu muddada 2 sanadood ah muddo-xileedkiisa ugu kordhiyey, kadib markii guddiga doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqeen in aanay doorashada qaban karin xilligii ay hore ugu muddaysnayd.
Diblumaasigan Maraykanka ah oo qoraal uu arrintan kaga hadlay ku baahiyey boggiisa Twitter-ka.
Waxaanu yidhi.“Waa wax wanaagsan in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu caddeeyay (sida uu u arko) go’aanka aqalka sare ee Guurtida ee dib u dhaca doorashada, isagoo sheegay in doorashadu ay u dhici doonto sida ugu dhakhsaha badan, iyadoo loo hoggaansamayo habraaca guddiga doorashada.”
Ambassador Tibor Nagy wuxuu sheegay in Saaxiibbada Somaliland ku leedahay Caalamku ka niyad-jabeen Muddo-kordhinta.
Waxaanu yidhi.“Saaxiibbadii Somaliland waxay ka niyad-jabeen 2 sano ee Guurtidu u kordhisay (Madaxweynaha).”.
Wargeyska Geeska Afrika.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button