Xaaladda Nololeed ee dadka Reer Guuraaga ah ee Somaliland oo laga dayrinayo
Xaaladda Nololeed ee dadka Reer Guuraaga ah ee Somaliland oo laga dayrinayo

80%, dadka Somaliland ayaa waxa soo food saaray xaalad cuno yaraan, taas oo ka dhalatay duruufaha nololeed ee ka dhashay abaaraha baahsan ee taagan iyo colaadda ka taagan adduunka wakhtigan ee Dagaalka Ukraine qaybta ka yahay.
Warbixin lagu baahiyey Wargeyska the Sydney Morning herald oo lagaga hadlay xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka reer Somaliland ee ku nool deegaannada abaaruhu saameeyeen, ayaa lagu sheegay in shacabka Somaliland ee dhulka miyiga ah ku nool ay ku sugan yihiin xaaladdo nololeed oo adag oo u baahan gurmad deg deg ah, halka caruurtuna ay hayso nafaqo la’aan baahsan oo Cusbitaallada magaalooyinka qaarkood loo dhigay.
Nimco Ibraahim oo ah dadka abaaruhu ka barakiciyeen Deegaannadooda ayaa sheegtay in 200 oo neef oo adhi ah oo haystay badankoodu abaaraha ku dhinteen
“Abaartu weli dad ahaan umaanu dhiman weli, laakiin wax kasta oo aanu haysanay oo xooluhu u horreeyaan way naga dishay” Ayey tidhi Nimco Ibraahim
Faisal Ali Sheekh, Guddoomiyaha Hay’adda u diyaargarowga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka, ayaa sheegay in xaaladda nololeed ee adag ee ka jirta qaybo ka mid ah Somaliland ay isku macluul, haddii aan la helin roobab deg deg ah oo da’a bilaha soo socda.
“ Waxaanu ka rajaynaynaa Beesha caalamka, oo ay Australia in ay taageero toos ah siiyaan bulshadayda” Ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh