Warar

“In Aan Qori xal lagu keeni karin way muuqatay, waxaan leeyahay caqligaas mid ka duwan lala yimaado” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

“In Aan Qori xal lagu keeni karin way muuqatay, waxaan leeyahay caqligaas mid ka duwan lala yimaado” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

“In Aan Qori xal lagu keeni karin way muuqatay, waxaan leeyahay caqligaas mid ka duwan lala yimaado”
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in Guddida Golaha Wakiilladu u saaray xaaladda Laascaanood ay soo ururin doonaan dhibaatada dhacday, isla markaana cidda loo tirinayo in ay dhibka geystay ay su’aalo ka weydiin doonaan.
Guddoomiye Khaliif oo u warramayey Weriye Maxamed Bakayle, waxa uu xusay in aanu qori iyo xabad xal ahayn, ee lala yimaado caqli kaas ka duwan, waxaanu yidhi “Golaha aan anigu Odayga u ahay guddi ayey u saareen, guddidaas oo ka hadli doonta arrimaha Laascaanood xaaladdeedana soo ururin doona, ciddii loo tirinayo in ay dhibka geysatayna aan filayo in ay su’aalo weydiin doono, tahayna waxyaabihii loo doortay in ay kula xisaabtamaan marka dhibaatooyinkan oo kale ka dhacay dalka. Marka xaaladdahan oo kale la gelayo Goluhu isaga leh awooddeeda in dagaal la galo oo uu fasaxo ama inuu diido. Markaa waxaan is leeyahay arrintaasi cidla dhici mayso, bulshada caalamka in badan oo ka mid ahina carabka way ku dhufatay in arrintaas xisaabtan la’aan dhacayn. Bulshada deegaanka oo hoggaanka dhaqanku hormuud u yihiina way ka hadleen. Anigu shakhsi ahaan waxaan aamisanahay in arrintaas lagu sameeyo baadhis madax bannaan cid kasta oo dembi geysatay ciqaabteeda la mariyo. Maanta intii dhib dhici karaysay way dhacday, intii dhib la geysan karayey waa la geystay, intii nac la samayn karayey waa la sameeyey, in aan qori waxba lagu xalin karaynin, way muuqatay, taladaydu waxay tahay in caqligu shaqeeyo, taladaasi talo ka duwana lala yimaado.”
Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu intaasi ku daray
“Anigu ka Guddoomiye ahaan markasta waxaan qabaa inaan nabadda laga quusan si kasta oo loo kala fogaaday, laakiin waxaan su’aal galinaya tolow madaxweyne Muuse ma laga heleyaa madam oo isku dayo badan oo laysku dayay, iyada oo xaaladu intan ka qabaw, iyada oo naca iyo dhibaatada dhacday hadda korodhay ee mararka qaarkood gaadhay in dadka shacabka goobahoodii shaqada jooga laga qaato la dilo sidii maayirkuba sheegay, baabuurtii magaalada ka baxday inta dad lagala dego la dilo, yadoo naciina sii kordhay madaxweynihina wuxuu aragtidiisa ka beddelay aynaan ogeyn suuro gal tolow ma ka tahay xaggiisa? balse waxaan isleeyahay marwalba inan la quusan oo inta nool loo taliyo ayaan qabaa “

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button