Warar

Laba arrimood oo isku lammaan ayaa siqiirinaya dooddii saldhiggeegu ahaa in waxa Laascaanood ka socdaa uu yahay rabitaan shacbi.

Laba arrimood oo isku lammaan ayaa siqiirinaya dooddii saldhiggeegu ahaa in waxa Laascaanood ka socdaa uu yahay rabitaan shacbi.

Laba arrimood oo isku lammaan ayaa siqiirinaya dooddii saldhiggeegu ahaa in waxa Laascaanood ka socdaa uu yahay rabitaan shacbi.
Kow, caddaymaha xooggan ee muujinaya in ciidamo dalalka jaarka kala yimid ay ka dagaallamayaan Laascaanood. Laba, hadalkii sida kama’da ah ama badheedhka ah uga fakaday Garaadka. Waa hadalkii sheegayey in dagaalka wejigiisa koowaad yahay Laascaanood, wejigiisa labaadna lagu beegsanayo Ceerigaabo.
Mar haddiiba dagaalka Laascaanood ay soo farageliyeen dalalka jaarku, weliba dalal ay qaarkood ka badheedheen inay lid ku yihiin jiritaanka SL, waxay muquuninayaan rabitaan kasta oo shacabka loo nisbeeyey, waxaanay dagaalkan waafajinayaan yoolkooga siyaasiga ah. Waa yoolka natiijadiisa u dambaysaa ay tahay in SL meesha laga saaro. Si na ba suuragal uma aha inaad gurigagaaga ku soo xarayso mas, haddana aad suntiisa ka cabato.
Marka labaad, nuxurka hadalka Garaadku wuxuu ahaa in wejiga labaad lagu bartilmaameedsanayo Ceerigaabo oo qalalaase laga abuurayo. Waxaynu malayn karnaa inuu jiro weji saddexaad iyo weji afaraad oo yoolkiisa u dambeeyaa yahay uun in gobol kasta iyo magaalo kasta oo SL ku taalla qalalaase laga abuuro. Waxay u muuqataa inay dadka rayidka ah ku guureen Garaaddadu, qoysas badanna carruurahoogii xabaalaha ku dareen si ay u fuliyaan siyaasadda iyo danaha dawlado kale. Dabcan, waxay fulinayaan wax ka duwan waxay u dhinteen shacbiga ay dagaalka geliyeen.
Garaaddadu in aanay rabin keliya in Laascaanood SL ka baxdo e ay wax kale u qarsoon yihiin waxaa aad u sii muujinaysay habeen hore markii ay soo baxday in ciidanka SL ka baxayaan Laascaanood. Ciidan aad rabtey inay kaa tagaan oo kaa tegeya, maxaad ciidan uga daba diraysaa haddii aad rabtey inay kaa tagaan? Maxaad ugu wacanaysaa ciidan dal kale ka yimid? Ma in dagaalku sii jiitamo oo aad qurbajoogta lacago kaga hesho? Mise ujeeddo kale ayaa jirtey.
Dabcan, waxay u eg tahay xiitaa hadday ciidanku iman lahaayeen Oog, in isla oog lagaga daba iman lahaa oo lagu soo weerari lahaa. Bal se nasiib-wanaag, waxay ahayd xeelad ciidan, sidii markii dambe la ogaadey.
Waa laga xisaabtami doonaa guuldarrooyinkii siyaasadeed ee dalka u hoggaamiyey xaaladda Laascaanood ee hadda, bal se arrimuhu siday u kala mudan yihiin ayaa loo kala hormaynayaa. Mudnaanta koowaad maanta waxaa leh soo af-jaridda dagaalka Laascaanood, jid kastaba ha loo maro e.
Waxaan rumaysnahay qiime kasta oo ay ku kacayso, inay ciidanku gacanta ku soo dhigaan Laascaanood. Waajibka keliya ee ciidanka saarani waa inay ilaaliyaan milgaha dagaalka, iskuna dayaan inay soo dhaweeyaan dadka maatida ah ee Garaaddadu ku guureen.
Aniga iyo intayada kale ee lagu khalday “rabitaan shacbi,” ee aaminsanayd in la tixgeliyo rabitaanka shacbigaba, baraarujin noogu filan.
Waxa qoray Maxamed Sharmaake
May be an image of 1 person

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button