Warar

Sooyaalku waa duruus, cibro inoogu filan!

Libdhi maysid Laascaanoodeey, Faarax Jiinje

Sooyaalku waa duruus, cibro inoogu filan!
=================== ============
waxa qoray Faarax Jiinje
Magaalo kasta maalin bay dadkeedu ahaayeen qaxoonti banaannada wadhan!
Laga soo bilaabo,markii ay dowladdii islaamka iyo suubane Maxamed (NKHH) ay ka soo haajireen magaalada Makka una soo haajireen magaalada madiina ilaa iyo maanta magaalo kastaa, maalin bay ahayd magaalo burbursan oo lagu dhex dagaalamayo, dadkeeduna ahaayeen qaxoonti banaannada wadhan.
Laascaanood in ay burburto welwel kama qabo oo beri bay dhismi doontaa, iskaba daa in ay dhisantee sidii hore ayay ka qurux badnaan doontaa idamka alle. Waana sune lagu yaqaan in magaalo kasta oo uu maamulkeeda qabsado nin kaligii talis ah, ay sidaa u burburto.
Magaalooyin ka waaweyn Laascaanood baa maalmo kooban ku burburay oo dhulka galay, qaarkood baa laga guuray oo xataa markii danbe dib loo dhisi kari waayay, balse Laascaanood waxay kusoo kabsan doontaa mudo yar oo kooban, hadii alle idmo.
Sooyaalka (taariikhadu) waa cibro loo baahanyahay in casharo laga barto oo lagu camal falo; qoraa carbeed baa wax laga hayaa “taariikhadu ciil qab uma baahna, ee waxa’ay u baahan tahay in wax laga barto.”
Xasuuso caasimadda dalka Ukraine ee Kiev, bilo ka hor wax ay ahayd caasimad qurux badan oo camiran ay kuna nool yihiin 2,952,301 oo qof, laakiin maanta waa jiid/furin iyo saldhigyo lagu dagaalamayo!
Xasuuso caasimadda dalka Syria ee Dimishiq sanado ka hor wax ay ahayd caasimad camiran oo ka mid ah, magaalooyinka aduunka ug quruxda badan, laakiin maanta waa qabuuro dadkeedii qaar kamid ahi ay ka tuugsanayaan Soomaaliya!
30-sanadkii sano ee la soo dhaafay inta badan dalalka afrika oo dhan baa burburay oo dhamaantood ay burburiyeen, hogaamiye-yaal dhiigyo cabbo ah, tusaalaha kooban ee aan maanta aynu soo qaadan karno waa dalka Rwanda iyo waxii ka dhacay 1994 iyo sida fudud ee ay maanta u yihiin mid kamid ah dalalka Afrika ugu horeeya.
Qofkastoo maanta samra wax uu arki doonaa maalin maalmaha ma ka mid ah, oo aynu gaadhnay hadafkeenii iyo wax ii aynu dhiig iyo dhiicaanba u soo hurnay, dhalinyaro hala samro halgankana inta dhiman aynu dhamaystirno.
Libdhi maysid Laascaanoodeey.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button