Warar
Xaalka Laascaanood, Xaqiiqada taagan, iyo Xalka ii muuqda
Xaalka Laascaanood, Xaqiiqada taagan, iyo Xalka ii muuqda

Xaalka Laascaanood, Xaqiiqada taagan, iyo Xalka ii muuqda
“””””””””” “”””””””” “”””””” “”””””
Samataliye Abdisatar Dubad
Iyadoo ay waajib iyo lama huraan tahay badbaadinta iyo Samata bixinta Dalkeena Jamhuuriyada Somaliland oo aad moodo imika in ay Faragelin dibadeed gacanta soo gelisay dagaalkii laascaanood oo ahayd markii hore Dawlada Somaliland iyo Shacabkeeda ka soo jeeda deegaankaas Laascaanood oo gadood ka muujiyey dilal isdaba jooga oo si qarsoodiya loogu ugaadhsaday dad badan oo ahaa labeentii iyo haldoorkii bulshada ee weliba taabacsanaa aragtida gooni isutaaga Jamhuuriyada somaliland.
Arintaas oo runtii ay ka dhalatay mashaqo aad u weyn oo dhimasho, dhaawac, iyo burbur hantiyeed keentay.
Haddaba Soomaalidu waxay tidhaahdaa Gar waa loo musline Masuuliyada dayaca hore ee dhacay ee aan waxba lagaga qaban.
1. cidii maleegtay dhagartii dadkii qarsoodiga mudada loogu laynayay.
2. inaan la fulinin Heshiisyadii kala danbeeyey ee Khaatumo la gashay Dawlada Jamhuuriyada Somaliland
3. Inaan laga hawl gelin hanuuninta iyo ku qancinta Dadka deegaankan ku nool Mabda’a gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland oo ay qayb go’isteedii ka ahaayeen. Laakiin intii Somaliland dhisnaydba ay ka gaws adaygayeen oo midnimo soomaaliyeed u sacabo tumayay
4. Iyadoo aanay joogin Boosaska Xukuumada Masuuliyiintii ku haboonayd xilalka ay hayaan Saamigooduna ka hooseeyo kii ay xaqa u lahaayeen.
5. In mudaharaadkii shacabku dhigeen Xabad lagaga jawaabay oo dad kale oo aan hubaysnayn lagu laayay sidii Burco iyo Hargeysaba Kal hore sidaas oo kale loogu laayay.
Dhamaan qodobadan waxa masuuliyadeeda leh Xukuumada JSL ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waana waajib inay arimaha noocaas oo kale ah in layskula xisaabtamo oo aanay Laba farood dhexdoos ka bixin.
Dawladu iyadaa ah Cida umadda ka masuulka ah wax kasta oo dhacana iyadaa yeelanaysa maadaama cida hogaaminta aynu u dhiibanay ay tahay masujliyadina ka saaran tahay inay inagu hagto hanaan iyo hal abuur hagaagsan hog iyo haadaan kastana hareer inaga mariso.
waxa iyagana aan meesha ka maqnayn oo masuuliyada qaybtooda leh Garaadada iyagoo dhulkooda ,muddo dheer ka maqan oo weli aan iskuul iyo ceel biyo ay ka cabaan aan qayb ka noqonin ee aragtidii ugu horaysay ee bulshadooda ay ku soo laabteen ugu baaqay Dagaal aanay waan waan iyo wada hadal midna ka horaysiinin taas oo muujinaysa inaanay shacabkoodii u tudhin
Haddaba Maanta Oo ay bil ku dhowdahay inta colaada iyo dagaalku ka taagan yahay Laascaanood isla markaana dadkeenii maatada ahaa ay bacadka iyo banaanada ugu wadhan yihiin bahalaha iyo baahi nololeed inagoo ka warhayno Abaaraha iyo biyo la’aanta deegaanadeena ka taagan
dad badanina inagaga dhimatay arintan hadday busho rayida tahay iyo hadday ciidan tahayba isla markaana ay soo fara geliyeen dagaal oogayaal iyo qas wadayaal ka kala yimi 4ta beyno jiho ee soomaalidu degto iyagoo Nasteex u muujinaya dadka deegaanka isla markaana ka faaidaysanaya fursadan kala fogaansho ee Dawlada iyo dadka deegaanada SSC ku nool, iyagoo u arka dadkaasi jaanis aad u weyn oo ay ku waxyeeleeyaan Jamhuuriyada Somaliland.
Dawlad Goboleedka Jaarka aynu nahay ee Puntland oo marar hore dagaalo badani inagu dhex mareen deegaankan ayaa noqotay cida hadda dhamaan ciidankeedii keentay Magaalada Laascaano iyadoo u soo gelisay shaadhkii beelaha oo markeeda horeba ay Ciidankoodu ku dhisan yihiin hab beeleed.
Isku soo duuboo Inagoo Og halka xaal taagan yahay maanta
isla markaana ka warhayna awood kasta oo Ciidameed oo deegaanka timaada inaanay dhinacooda dhulka dhigi karin Geesiyada Ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee jiida Ku sugan
Inagoo maanka ku hayna haddaynu dhamaan Cagta marino Kooxahan isa soo urursaday oo Dadkii deegaankuna ka mid yihiin inaynaan ku kasban karin kuna qasbi karin quluubta shacabkeena dhibaatada badani gaadhay ee Reer Laascaanood. “Oo Qooley aanay qoorqabad biyo ku qudh-qudhinin”
Inagoo isla fahamsan in ujeedada halgankeenu tahay gaadhista xuduudka iyo midnimada shacabkeena guud ahaan oo reer SOOLna ka mid yihiin
Inagoo aan indhaha ka qarsan karin Cadaawada ka dhalanaysa Dad kale iyo nafo dadkeena guud ahaan ka sii kala dhinta oo keenta kala fogaansho ay adag tahay in si hawl yar dib loogu dhayo nabarada ka dhasha.
Inagoo ay inoo muuqato in Khasaaraha ka dhalanaya dagaalo waaweyn oo dhaca ay Danno ka raadinayaan cid aan reer Sool iyo somalilandta kale midna ahayni faaiido weynina ugu jirto
Inagoo muujinayna lexojeclo deegaanka iyo dadka inagaga jirta oo Dawladnimadeenu tahay Hooyo ilmeheeda dhawranaysa.
Waxaan soo jeedin lahaa.
1. In Ciidamada JSL si ku meel gaadh ah looga durkiyo lagana fogeeyo Caasimada Laascaanood
2. In Xabada la joojiyo Wada hadalna miiska la isugu yimaado.
3. In la joojiyo haddalada xanafta leh ee waxay xumeeyaan mooyaane aan waxba hagaajinayn
4. In hadday ka fursan waydo waqti la kala qaato Maamulka Deegaankana dadka deegaanka loo madax banaaneeyo iyadoo ciidamadu keliya ka ilaalinaya in maamul goboleedka Puntland gacan ku yeesho Gobolka si la isugu soo miyirsado oo dib la isugu yimaado .Dibna looga shaqeeyo sidii loo heli lahaa loona kasban lahaa fikriyan dadka reer SSC si ay qayb uga noqdaan Somaliland lagu wada qanacsan yahay.
Wixii aaan qalday shaydaanbaa iska leh intaan saxayna Eebaa ku mahadsan
Waa Aragtidayda ii gaarka ah
Saleebaan Cabdisitaar Dubad (SAMATALIYE)
Hargeysa Somaliland
cabdisitaar@gmail.com