Warar
Somaliland oo ku eedeysay Puntland in ay Weerar Ay ku Carqaladaynayo Dedaallada Nabadda Sool ku Qaaday Ciidanka Qaranka
Nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood,

Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedaysay Puntland iyo Kooxaha ka garab dagaalamaya In ay Ciidanka Somaliland ku soo qaadeen ay ku carqaladaynayaan dedaallada Nabaddeed ee socda
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Guddaha ayaa lagu yidhi
Kooxaha huwanta ah ee sugan Magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, Nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka Magaalada Laascaanood, weerarkaa oo ah mid fulaynimo ah, mana jirto wax dhibaato ah oo soo gaadhay Ciidamada Qaranka.
Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka jawaabeen weerarka ay soo qaadeen kooxaha isgarabsanayaa isdifaacid iyo iska caabin.
Xukuumadda Jamhuuriyadda waxay cadaynaysaa in weerarkan saaka ay soo qaadeen kooxaha huwantu ay ujeedadiisu tahay in la hor istaago ama la carqaladeeyo deddaalada lagu xoojinayo nabaddaynta Magaalada Laascaanood. Talaabadan oo muujinaysa sida kooxaha argagixisada ah iyo Maamulka Puntland aanay u ogolayn in shacabka Magaalada Laascaanood nabad helaan.
Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.