Afar arrimood oo ku gadaaman dagaalka Laascaanood
Afar arrimood oo ku gadaaman dagaalka Laascaanood

Dagaal muddo kooban socday ayaa maanta mar kale ka dhacay duleedka magaalada Laasacaanood oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay xasilloonayd.
Dad ka ag dhawaa meesha lagu dagaallamay ayaa sheegay in madaafiicda iyo hubka culus ay dhinacyada is weydaarsadeen.
Dhanka kale, Madaxweynaha Puntlanda, Siciid Cabdullahi Deni ayaa cambaareeyay dagaalka Laasacaanood uu sheegay in noociisa aanu waayahan dambe dhicin isla markaana loo baahan yahay in la iskula xisaabtamo waxa dhacay.
Waxa uu beeniyay in Puntland ay qeyb ka tahay dagaalka.
“Waxaan rabaa in aan halkan ka caddeeyo in dowladda Puntland aysan dagaalkaas qeyb ka aheyn qeybna kamid noqon doonto, ma dooneyso colaad sokeeye burbur umadeed inay qeyb ka qaadato waana ka digeynaa arrintaas”
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in haddii ay Garaadadu ka codsadaan in ay gacan ka siiyaan xaaladda Laasacaanood ay markaa ku biiri doonaan, isagoo dhanka kale sheegay in ay oggol yihiin aayo ka tashiga isimada SSC.
“Marka isimadu iyo garaadadu Puntland ay si rasmi ah uga codsadaan oo ay kari waayan diyaar baan u nahay laakin waxaan ka horumarineynaa nabadda waxaan ku baaqeynaa dadaallada socda ee xabad joojinta”.
Arrinta gobolka Sool
Deni wuxuu sidoo kale ku baaqay in ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool ay isaga baxaan halkaas ‘Puntland ay oggoshay aayo ka tashiga gobolka Sool’.
“Anagoo ogsoon in dastuurkeena qoraya inay Puntland ka tirsan yihiin ayaan marar badan ku celinay in aan u ogolnahay inay ka tashadaan aayahooda iyagoo aysan xabad ku socon ..go’aanka ay qaataan baan kula tashaneynaa”
Haddaba maxaa loo fasiran karaa hadalka Madaxweyne Deni? Waxaan weydiiyay Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran), guddoomiyihii hore ee bulshada rayidka Puntland.
“ Sool waxaa taalla mushkilad xagga sharciga ah oo aad u xoog badan, dhanka sheegashada, dastuurka Puntland waxaa ku qoran in Sool ay kamid tahay gobollada lagu aasaasay Puntland, halka Somaliland uu dastuurkeeda ku qoran yahay Sool Somaliland bey ka tirsan tahay , dastuurka federaalka wuxuu qabaa in gobollada Soomaaliya ay hoos yimaadaan Federaalka-arrinta waa mid xasaasi ah oo is leeyahay saddexdaas dastuur saameyn ku leeyihiin gobolkaas”
“iyadoo Somaliland ay muddo heysatay gobolka ,Puntland intaas wey sheeganayeen in iyaga ka tirsan tahay runtii hadal uu isagu yiri wey adkaaneysaa in gobolka uu sidaas ku noqon karo marka loo eego hadalkii hore iyo kii xaley waxay muujineysaa in go’aanka ay gaaraan uu raalli ka yahay…laakiin waa arrin sharci u baahan”. ayuu yiri Feysal Axmed Warsame (Faysal Qaran).
Dhexdhexaadinta Itoobiya
Dhanka kale dowladda Itoobiya ayaa dhexdhexaadin ka dhex billowday Soomaliland iyo odayaasha dhaqanka ee deegaannada SSC, si loo soo afjaro coladda halkaa muddaba ka taagan.
Magaalada Garowe waxaa kulan ku yeeshay Isimada Laasacaanood iyo wefdi ka socda Itoobiya oo ka shaqeynaya in la joojiyo colaadda ka socota magaaladdaas, sida uu BBC-da u sheegay Caaqil Cabdirisaq Maxamed Xasan Falaalug oo ah afhayeenka guddiga 33-ka ee aayo ka tashiga SSC.
Wararka ayaa sheegaya in wafdigan oo markii hore Hargeysa soo maray isla markaana la soo kulmay madaxda Somaliland kalana soo hadlay sidii xabbad joojin loo sameyn lahaa ay Garoowe gaareen, halkaa oo sidoo kale ay kula kulmeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo ka yimid magaalada Laascaanood.
Mas’uuliyiintan ka socday Itoobiya, ayaa dhinacyadan kala hadlay in marka hore xabadda la joojiyo si markaa kadib loo sii wada hadlo.
Xabbad joojinta
Hore Somaliland ayaa ugu dhawaaqday xabbad joojin hal-dhinac ah balse taasi ma shaqeyn oo dagaalladu way sii socdeen iyadoo dhinacyaduna isku jeedinayeen eedo ku saabsanaa jabinta xabbad joojintaas.
Afhyeenka guddiga 33-da xubnood ah ee aayo-ka tashiga SSC, Cabdirisaaq Maxamed Xasan falaalug, ayaa BBC-da u sheegay in ay aqbleen dhankooda in xabadda la joojiyo marka hore si colaadda nabad loogu beddelo.
“Waxay soo jeediyeen in xabbad-joojin la sameeyo, sida ay noo sheegeenna waxay isla soo qaateen Muuse Biixi iyo maamulkiisa arrintaa,” ayuu yidhi Cabdirisaaq Maxamed.
Odayaasha dhaqanka ee deegaannada SSC ayaa ka ballan qaaday wafdiga ka socday dowladda Itoobiya in ay dhankooda diyaar u yihiin dhaqan galinta qodobka lagu heshiiyay ee ah xabad joojinta.
Wuxuu sheegay in madax dhaqameedka Laascaanood ay muhiimadda siinayaan xabbad joojinta oo ay door bidayaan sidii dadka ka barakacay magaalada ay dib ugu soo laaban lahaayeen guryahooda.
Cabdirisaaq Maxamed Xasan falaalug ayaa intaa raaciyay “Xabbad joojintu haddii ay dhaqan gasho wada hadalka ayaa sahlanaanaya waana in la xisaabtamo”
Eedeynta labada dhinac
Xukuumadda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay saaka soo saartay ku sheegtay in dagaal lagu soo qaaday ciidamadeeda ku sugan agagaarka magaalada Laascaanood.
Warkaan oo lagu baahiyay bogga Facebook ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Soomaliland ayaa lagu yiri, “Kooxaha huwanta ah ee ku sugan magaalada Laascaanood ee ka kooban argagixiso, nabad-diid iyo Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06/03/2023 weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan agagaarka magaalada Laascaanood,”.
Waxaa intaa lagu daray in ciidamada Somaliland ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday.
Dhanka kale, madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadlay ayaa sheegay in Puntland aysan ka qayb ka ahayn dagaalka Laascaanood ka socda.
Wuxuu sheegay in dadka reer Laascaaood loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana ay tahay arrintaa in waqtigeeda laga xisaabtamo.
“Waxaan ku kalsoonahay in Shacabka reer Laascaanood ay Sharafkooda iyo cirdigooda difaacaan,” ayuu yidhi madaxweyne Deni.
BBC