Warar

“Talo xumo, Qorshe la’aan, Ficilitan,ayaa shan sanno jaangoynayay shaqada xukuumadda Muuse Biixi.” KHadar Xuseen

” Talo xumo, Qorshe la’aan, Ficilitan, dulqaad la’aan iyo dhayalsiga arrimaha muhiimadda qaran leh, ayaa shan sanno jaangoynayay shaqada xukuumadda Muuse Biixi. ” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseeb
Maantana waxa ay u qalabqaadatay burburinta biriishka keliya ee ka hadhay isku xidhka gobalka Sool iyo Somaliland inteeda kale.
Waa guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif oo xitaa naftiisa khatar u galiyey jiritaanka Somaliland nabad ah, midaysan, waxna wada leh.
Xilli uu qaranka ugu maqanyahay gudashada wajibaad la wada lahaa oo uu ku keliyeystay, ayaa masuuliyiinta xukuumadda iyo dadka qallooca ku taageeraa, ay warbaahintii qaranku wada lahaa ka baahinayaan ceebaynta iyo dacaayadaynta guddoomiye Cabdirisaaq.
Cidda maanta sidaas u fikiraysaa ha liqdo hal xaqiiqa oo qadhaadh oo ah, in Somaliland oo deegaanka dhulbahante ka maqan yihiin aanay marnaba noqon karin dawlad dunida laga aqoonsanyahay.
Runtuna waa in Cabdirisaaq oo maanta la ixtiraami waayaa ay ka dhigantahay, in laga maarmay goballada uu ka soo jeedo.
Waayo, waa qofka ugu sarreeya Somaliland ee cod dimuqraaddiya oo dadweyne ku fadhiya kursiga, isla markaana muujiyey kalsoonida ay dadkii soo doortay ku qabaan.
Ruux nool lagama quusto ee waxaa mar kale talo iyo waano iga ah, in xukuumaddu ka xishooto dhaqannada ay caadaysatay, una tudho jiritaanka Somaliland oo hore u xagal daacisay….”
Khadar Xussen Cabdi Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani ayaa sidan yidhi

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button