Warar

“Dabaal-dagyadaas Waa fool fool-xun oo dagaalka Laascaanood xalkiisa fogaynaya”. Axmed Muumin Seed

 

Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa ku tilmaamay isu soo baxyo laga sameeyey Magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Gebilay kuwo aan waxba ka taray mushkilada ka taagan Laascaanood, balse ay noqon karto mid sii fogeysa xalka.

“Shaki kuma jirto in Laascaandood ay tahay Somaliland, sidaas hadii ay tahay, dagaalka Laascaanood waa colaad sokeeye oo astaanteedu tahay “kugu dhimay oo kaa dhimay”.

Waa wax laga xumaado, ceeb iyo niyad-jab in xaalkii dalka oo sidaas ah dabaaldagyo lagu qabto magaalooyinka dalka, muusik la shido, lana muujiyo dareen muujinaya rajo dhig iyo kala tag.

Dabaal-dagyadaas waa kuwo la micno ah wiirsi & wax-fool-xun oo dagaalka Laascaanood xalkiisa fogaynaya, waxa muuqata in aanay caqliyad wanaagsani ka talin, waana hubaal in ay magaca iyo sumcada ciidanka qaranka wax u  dhimayaan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo jeedinayaa talooyin dhawr ah oo aan is leeyahay way ku haboon yihiin marka uu xaalku sidan yahay:

  1. Maanta waxa nala gudboon in aan u Alle barino intii naga dhimatay, samirna u rajayno inta colaadan ku wayday wiil, walaal iyo waalid ay jeclaayeen
  2. In laga waantoobo durbaanka iyo dam-damtadadka sii kala fogaynaysa laguna badalo duco & damqasho sokeeye oo aan bulshada isku soo dhawaynaysa
  3. Ciidanka qaranka oo mudnaantooda markasta leh, uma baahna taageero fagaare ku urur ah, waxase ay u baahan yihiin in qoysaska agoonta looga war hayo, inta difaaca qaranka u heelan niyadooda lagu dhiso buuxinta baahida ay qabaan
  4. In la ogsoonaado in dakharada colaadaha sokeeye ay u baaha yihiin in lagu dhayo arin iyo talo walaalnimo oo caqli ku salaysan, caadifadna ka fog.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button