“Waxaa La Soo Gaadhay Wakhtigii La Aqoon San Lahaa Somaliland”
"Waxaa La Soo Gaadhay Wakhtigii La Aqoon San Lahaa Somaliland"

Wefti Ka Socda Xukuumada Somaliland oo Ay Hogaaminayso Dr Edna Aadan Iyo Amp Kayser Ayaa Khudbad Ka Jeediyey Xarunta Qaramada Midoobay Ee Brussels,
Safiirka somaliland U Fadhiya Midowga Yurub Amp Kayser Maxamed Oo Baahiyey War Qoraala Ayaa Sidan Yidhi
“Farriinta Jamhuuriyada Somaliland
Brussels. Belgium.
Waa Nabad, Walaalnimo, Dimuqraadiyad, Horumar, iyo Difaaca Dalka iyo Dadka Jamhuuriyada Somaliland.
Waxaa lasoo gaadhay Xiligii ay Dunidu aqoonsan lahayd Qaranimada Somaliland, kana hor tegi lahayd cid kasta wax u dhimaysa Xasiloonida Geeska Afrika.
Shacbiga reer Somaliland waa qaar awwood buuxda iyo Waayo-aragnimo u leh xallinta khilaafkooda mar kasta iyo meel kasta, cidna ka ogolaan maayaan inay fursad siyaasadeed ka dhex raadiso arrinta Laascaanood.