Warar

Oromada Itoobiya Oo Lagu Eedeeyey in ay dhulboob wado, Jigjigna ku dhowdahay

Oromada Itoobiya Oo Lagu Eedeeyey in ay dhulboob wado, Jigjigna ku dhowdahay

Joojinta Dhul-boobka Oromada: Golaha Danta Soomaalidu wuxuu cambaaraynayaa isballaadhinta iyo Dhul-boobka Sharci-darrada ee Oromadu ka waddo Deegaanka Soomaalida

Golaha Danaha Soomaalida (CSC) wuxuu si xooggan u canbaaraynayaa Dhul-boobka iyo dhismaha ay Dawladda Deegaanka Oromadu ka waddo gudaha Deegaanka Soomaalida. Dhismaha iyo isbalaadhinta Oramadu wuxuu saamayn taban ku yeeshay noolasha Soomaalida ee deeganadaas. Waxaanu u soo jeedinayanaa in Xukuumadda Oramadu si degdeg ah u joojiso ugana waantowdo hawlaha noocaas ah, ayna ixtiraamaan xuquuqda Dadka Soomaalida ah ee ay barakicinayaan.

Dadka Soomaaliyeed waxaanay wali ka soo kabanin 300 Qabalee oo si sharci-darro ah loogu wareejiyey Oramada xilligii OPDO iyo EPRDF, in haddana dhul boob cusub lagu billaabo, waxay daanno weyn ku tahay Deegaanka Soomaalida. Usbuucyadii la soo dhaafay, Dawlad deegaanka Oramada ee uu hogaamiyo Shimelis Abdisa, waxay dhulka Soomaalida dhaxdiisa ka billowday dhismaha Biyo-xidheen sharci-darro ah oo ay ku baxayso 400 Million Birr, iydoon laga talo-gelin xildhibaanada Baarlamaanka, Dawlad-deegaanka Soomaalida iyo dadka Soomaalida ah ee ay khuseyso. Biyo-xidheenkan oo duleedka Jigjiga laga dhisayo, wuxuu baro-kicinayaa 35,000 Beeraleyda deegaanka hodanka ku ah Qamadiga, oo noolashoodu ku tiirsan tahay iyo biyaha baahida weyn loo qabo ee Gobolada Jarar, Qorraxey iyo Shabelle ee Deegaanka Soomaalida.

Waxaa intaas dheer, in Guddiga Warbaahinta Oramadu uu daaha ka qaaday qorhse gar-darro ah oo dib-u-habayn iyo samayn degmooyin cusub looga hirgelinayo dhulka Soomaalida. Waxay degmo ka dhigeen tuulada Makanisa oo dhulka degaanka Soomaalida ka tirsan, oo ujeedkuna yahay inay liqdo dhammaan tuulooyinka Soomaalida ee aaggaas, iyagoo raba inay toos xad ula yeeshaa Jamhuuriyadda Soomaalida.

Golaha Danaha Soomaalida (CSC wuxuu xeerinayaa xidhiidhka taariikhiga iyo walaalnimada ku dhsinaa ee ka soo dhexeeyey Soomaalida iyo Oromada. Si kastaba ha noqotee, Madaxda Oramada qaar ka mid waxay muujinayaan, inayna wax ixtiraam ah u haynin Soomaalida, iyadoo dawladda Federaalka ee ay Oramadu gacanta ku hayso ay Deegaanka Soomaalida Madax uga dhigeen Daba-dhilif aan sheegi karin tabashada iyo codka Soomaalida.

Golaha Danaha Soomaalida (CSC) wuxuu taageersan yahay sinnaan, xidhiidh-wanaagga dariska iyo in la ilaaliyo dhamaan xuquuqda muwadiniinta ku nool aaggaas iyadoon loo eegin dhaqanka iyo diintooda. Hase yeeshee Dhul-boob sharci-darro ciddii wada waa in la horjoogsado. Waxaanu ugu baaqaynaa Dawladda Federaalka, Wax-garadka iyo Hogaanka Oromada inay ka hor yimaadaan qorshaha gar-darrada ah ee dhul-boobka ku dhisan. Haddii kale qorshaha noocan ah wuxuu wiiqayaa wada-noolaanshaha iyo daris-wanaagga siiba Soomaalida iyo Oromada.

Golaha Danaha Soomaalidu wuxuu ugu baaqayaa dadka Itoobiyaanka ah ee nabadda jecel inay si feejigan isha ugu hayaan gar-darrada baryahan ka soo ifbaxday Oromada.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button