Warar

Sidee Ayuu General Caydiid uga baxsaday ciidamada Mareykanka

Sidee Ayuu General Caydiid uga baxsaday ciidamada Mareykanka

Waa mid ka mid ah dhacdooyinka taariikhda dunida galay. Soddon sano kahor, waxaa waddooyinka magaalada Muqdishu dagaal qaraar uu ku dhexmaray ciidamada mareykanka iyo dad hubeysan oo taabacsan Janaraal Maxamed Faarax Caydiid. Ciidamada Mareykanka waxay fulinayeen howlgalka ay ku doonayeen inay kusoo qabtaan Janaraal Caydiid oo ay u arkayeen in uu caqabad ku yahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNISOM) ee Mareykanku hoggaaminayay.

Waxa uu ahaa howlgal loogu talogalay muddo sagaashan daqiiqo ah oo isku bedelay toban iyo toddobo saac oo xiriir ah. Jab weyn oo ka mid ah kuwii ugu foosha xumaa ee ay dibeda kala kulmaan ciidamada Mareykanka ayaa qabsaday, howlgalkii wuu fashilmay.

Labo diyaarad oo ay adeegsanayeen ciidamada Mareykanka ayaa la soo riday, 18 askar Mareykan ah, iyo boqolaal Soomaali ah dad lagu qiyaasay ayaa ku dhintay dagaalkaas oo markii dambe horseeday in ciidamada Mareykanku isaga baxaan Soomaaliya.

Caydiid lama soo qaban oo waa uu baxsaday isaga oo muddo dheer sii xukumayay dhulka ugu balaaran ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Ciidamada mareykanka way ka baxeen Soomaaliya.

Haddaba, sidee buu Janaraal Caydiid uga badbaaday qorshaha ay Mareykanku ku doonayeen inay ku xiraan? Maxamuud Cabdi Cilmi oo kamid ahaa raggii ugu dhawaa islamarkaas na ahaa xoghayaha gaarka ah ee Janaraal Caydiid ayaa markii ugu horreysay uga jawaabay weydiintaan buug ka qoray dagaalkaas oo lagu soo bandhigay Muqdisho. Waa buuggii ugu horreeyay ee dhinaca Soomaaliya laga qoro, sida uu weriyay BBC ee Muqdisho Ibraahim Aadan.

Sabata uu ku badbaaday Janaraal Caydiid ayuu ku sheegay ‘in uu xumaa sirdoonka iyo sahanka ciidanka Maraykanka’ gaar ahaan unugii kumaandooska oo ahaa mid loogu talagalay in ay fuliyaan weeraro qorsheysan, waqti koobanna lagu soo afjari karo.

Maxamuud ayaa yiri: “Lix meel ayay ku dageen, hal meel ayay ku guuleysteen. Taasi waxay ku tusineysaa, hadii sirdoonkaagu ilaa heerkaas uu liito, see nin aad rabto inaad soo qabato u soo qabanee?,” ayuu yiri Maxamuud oo la hadlayay BBC.

Xilligaas Muqdisho waxay u kala qaybsaneed laba dhinac oo aan isku gudbi Karin. Mid kamid ah waxaa haystay ciidamada Janaraal Caydiid. Waxay ahayd Meesha kaliya ee uu ku dhuuman karay.

“Caydiid afartii bilood ee la raadinayay dadkii ugu dhawaa banii’adamka ayaan kamid ahaa,” ayuu yiri Maxamuud. “Guriguu ka soo baxaa, habeenkii ayuu dhaqaaqaa, laba nin ama hal askari oo hubaysan ayaa la socota oo go’yaal wadata anna waan la socdaa inta badan.”

Marka laga soo tago hugaamintiisa ciidanka, Caydiid wuxuu mararka qaar qayb ka noqon jiray dagaalada fool-ka-fool ah. Qoraaggu waxa uu buugga ku xusay in maalin uu dagaal ka socday tarabuunka uu Caydiid ugu tagay mid kamid ah furimnaha ay dagaalladu ka socdeen.

“Saraakiishu inta qorshe dajiyaan ayay saraakiisha goobta dagaalka jooga u diraan. Isagu taas kaliya ma ahayn, wuxuu ku dadaali jiray inuu ka daba tago iyo inuu kormeero,” ayuu yiri Maxamuud.

“Sarkaalku isaga oo aan ogayn ayuu fud ka soo leeyahay [dhinaciisa], markaas ayay leeyihiin ‘anagaa ku jirnee maxaad…?’ isaga ayay u diidayaan in ay wax gaaraan. Markaas ayuu leeyahay ‘maya waan noqnayaa, waxbaan fiirnayay kaliya’. Hadhoow marka la isku soo noqdo ayaad arkeysaa in indha-indheytiisu ay waaya aragnimo ka buuxday, talooyinku uu bixinayo halkaas mar ee uu meesha yimid.”

Saddexdii Oktoobar waa maalinkii uu dhacay dagaalkii cuslaa ee dhexmaray ciidamada maraykanka iyo maleeshiyaadkii Janaraal Caydiid. Maalinkaas qorshuhu wuxuu ahaa in la qabto Caydiid, waxayna weerareen guri uu daganaa. Waxaan waydiinay halka uu ku suganaa maalinkaas ninka ay sida wayn u baadi goobayeen kumaandooska Maraykanka.

“Maalintaas lagu soo dagaayay meesha [gurigii Caydiid], maalinkii ka horeysay ayuu ii yeeray, meel u jirta laba boqol oo talaabo ayuu daganaa, gurigaas waxaa iska lahaa nin la yiraahdo Cabdiraxmaan Dhooleey,” ayuu yiri Qoraagu.

“Subaxdaas uu noo yeeray aniga iyo nin kale, wuxuu yiri ‘Barafisoor Cawaale ka bixiya guriga [guriga ciidanka Maraykanku ku soo dagi doono]’ Cawaale waa lagu qabtay maalintaas meesha, maxaa yeelay subaxdii markaan u tagnay ee aan niri meesha inaan kaa bixinaan rabnaa, wuxu yiri dhar ma haysto, wxuu ka soo qaxay dagaal ka dhacay Soona K. isaga iyo nin kale ayaa waxay ku soo qaxeen hal boorso”.

Waxay u muuqatay in Caydiid uu sii ogaa hawlgalka la doonayay in lagu qabto.

Maraykanku dhankiisa dagaalkan waxbuu ka qoray. Howlgalkaasi uu Mareykanka hogaaminayay waxaa loogu magac daray “Hawlgalkii Rejo soo celinta”. Sidoo kale waxaa laga sameeyay film loogu magacdaray Black Hawk Down. Lix bil kadib na, Mareykanku waxay ciidamadooda kala baxeen Soomaaliya.

Xigasho: BBC

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button