Warar

Dagaal Culus oo Deegaannada Puntland Ku Dhex maray Dagaalyahanno Ka tirsan Al-shabaab iyo iyo Daacish

Dagaal Culus oo Deegaannada Puntland Ku Dhex maray Dagaalyahanno Ka tirsan Al-shabaab iyo iyo Daacish

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyo maleeshiyaadka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo haatan ka socdo dhul buuraleyda ee gobolka Bari, halkaas oo ay isku fara saareen labada dhinac.
Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa qarxay xalay, wuxuuna soo gaadhay illaa saaka, sida ay innoo sheegeen iyo dadka deegaanka ah.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka socda togaga Dadamale iyo Quracda oo hoosataga deegaanka Jacayl, halkaas oo ah dhul buuraley ah.
Sidoo kale mealaha oogu dagalamayo ayaa ah togog biyo mareen ah iyo dhul buuraley ah oo ku yaalla aagga magaalada Balidhidin ee gobolka Bari ee Maamulka Puntland.
Lam ogaan karo khasaaraha soo kala gaadhay labada dhinac, waxaana hawada laga saaray khadka isgaadhsiinta, taas oo sii adkeysa xaaladda ka taagan halkaasi.
Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan dagaalkaas oo ka dhex-qarxay Al-Shabaab iyo Daacish.
Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanada dhaca dhanka buuraha ee gobolka Bari ee Puntland.
Xiisadda u dhexeysa labada dhinac ayaa maalmihii u dambeeyay sii xooganeysay, waxaana lixdii cishe ee ugu dambeysay ay isku uruursanayeen aagga haatan lagu dagaalamayo
Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa labaduba waxay ku xoogan yihiin gobolkaasi, waxayna marar badan siyaabo kala duwan ugu dagaalameen halkaasi.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button