Warar

Maxaa Xisbiga Kulmiye Looga Saaray Axmed Muumin Seed

Maxaa Xisbiga Kulmiye Looga Saaray Axmed Muumin Seed

Xisbiga talada dalka Somaliland haya ee KULMIYE ayaa xisbiga ka saaray wasiir hore Axmed Muumin Seed.
Afhayeenka xisbiga talada dalka haya ee Somaliland Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni ayaa warbaahinta u akhriyay war-qoraal ah oo ay soo saareen guddida anshaxmarinta ee xisbiga KULMIYE ayaa lagu sheegay in siyaasi Axmed Muumin Seed uu lumiyay xubinimadii xisbiga KULMIYE.
Sidoo kale waxa ay tilmaameen in uu ku xadgudbay shuruucda xisbiga, isla markaasna uu ka baaqday shirarkii xisbigaasi, waxaaney intaas kudareen in xubintii Axmed Muumin Seed uu buuxin doono xildhibaan Fu’aad Axmed Diiriye, oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, xisbiga KULMIYEna uga soo baxay gobolka Awdal.
Gaba’gabadii waxa warkan lagu sheegay in hoggaanka xisbiga taladda dalka Somaliland haya ee KULMIYE uu aqbalay soojeedinta guddida anshaxmarinta iyo buuxinta jagada guddida fulinta ee uu baneeyay siyaasi Axmed Muumin Seed.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button