Warar

Galmudug oo digniin Adag u Dirtay Puntland

Galmudug oo digniin Adag u Dirtay Puntland

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa digniin culus u diray maamulka Puntlnad, oo uu ku eedeeyay in uu diiwaan-gelinta doorashada ka sameynayo deegaano ka tirsan kuwa Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in fara-gelinta Puntland ee gudaha Galmudug ay tahay mid aan la aqbali doonin, islamarkaana ay ka laabtan sida ugu dhaqsaha badan, sida uu sheegay.

“Waxaa leenahay dhulkaas waa dhul Galmudug oo dadka dega waa dad reer Galmudug ah, raali ugama noqoneyno in fara-gelin qaawan kusoo sameeyaan deegaanada Galmudug. Waxaa naga dhaxeeya ixtiraam, wada dhalasho iyo daris-wanaag, sidaas darteed waxaa leenahay yaan la daadin nabada halkaasi taalla,” ayuu yiri.

Wasiir Abshir Cabdi Shiiqow ayaa waxa uu sheegay in deegaanada Puntland ay sameeysay diiwaan-galinta xadgubka ah ay kamid yihiin Dhinowda, Hirsalaama iyo deegaano kale oo katirsan degmada Gaalkacyo.

“Galmudug waxay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato doorashooyinka qof iyo cod ee la rabo in Soomaaliya laga hirgeliyo, waana bogaadineyna meel kasta oo Soomaaliya kamid ah doorashooyinkaas laga qabto laakiin waxaa mooda in dad iyo deegaan dushooda oo aysan metelin Puntland ay tahay kicinta fidno waqti dheer hurdeysay.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Puntland waa inay arrintaas ka wantoobaan. Caalamka waxaa leenahay ka digtoonaada in waqti iyo kharash ku bixisaan doorashooyin aan aheyn tii saxda aheyd. Puntland kama taliso dhulka lacagta ku bixineysaan gaar ahaan Dhinowda iyo HirSalaama oo maalmahan ay ka wadeen diiwaan-gelin.”

Xigasho. Caasimadda

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button