Warar

Masuuliyiin Kormeer ku tagay Xarunta tababarada Dastuurka iyo Waddaniyadda Somaliland

Masuuliyiin Kormeer ku tagay Xarunta tababarada Dastuurka iyo Waddaniyadda Somaliland

Masuuliyiin Kormeer ku tagay Xarunta tababarada Dastuurka iyo Waddaniyadda Somaliland
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Khaalid Jaamac Qodax ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Tababarada Dastuurka Iyo Waddaniyada Somaliland oo uu ka socdo Tababarka Dastuurka iyo Waddaniyadda ee Shaqaalaha Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawlada .
Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa sharaxaad ka bixiyey u jeedoyinka laga leeyahay tababarka Dastuurka iyo Waddaniyadda ee Shaqaalaha Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawlada Somaliland.
“Ujeedoyinka la idin soo xushay waxa ka mid ah waxaad tihiin bulshada qaybaha ugu muhiimsan ee gacanta ku haya Adeegyada Dawlada iyo in shaqaalaha Dawladu is bartaan oo aqoontooda iyo xirfadohooda kala duwan kala faa’idaystaan anagana wixii talo ah noo soo jeedisaan ” Ayuu Yidhi Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadam Cilmi.
Dhanka kale Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Khaalid Jama Qodax oo Wasiirka Kormeerka ku wehelinayey ayaa sheegay in filashada uu qabay maalintii la daahfurayey Tababarka Dastuurka iyo Waddaniyada ee Shaqaale-waynaha Qaranka iyo Maanta oo tababarkii socdo ay kala duwan tahay isagoona intaasi ku daray in ay mudan tahay in Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland lagu Dhiirigeliyo Shaqada Wanaagsan ee ay Qaranka u hayso .
“Runtii dedaalka ay wado Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland waa in lagu dhiirigeliyo sababto ah wax lagu tabco waxa ugu wanaagsan bani’adamka waxana kasii muhiimsan in shaqaale lagu tabco ” ayuu Yidhi Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Khaalid Jaamac Qodax .

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button