Warar

Somaliland oo soo bandhigtay Gaadiid Dagaal iyo Maxaabiis laga Qabtay Ciidamada Puntland iyo kuwa Ka garab dagaalamaya

Somaliland oo soo bandhigtay Gaadiid Dagaal iyo Maxaabiis laga Qabtay Ciidamada Puntland iyo kuwa Ka garab dagaalamaya

kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maanulka Putland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah Ee ku sugan Laascaanood ayaa saaka 4:30 subaxnimo weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood.

Waxaanay Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ahi ee ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer.

Masuuliyadda weerarkan waxaa qaadaysa Maamulka Puntland-Soomaliya iyo kooxaha huwanta ah ee ay hogaaminayso ayna ka mid yihiin kooxaha Argagixisada ahi.

Dagaalkan saaka ay soo qaadeen Ciidamada Puntland iyo kooxaha Argagixisada ah ee isgarabsanaya ayaa ahaa mid muddooyinkii u danbeeyey laga shaqaynayey abaabulkiisa meelo badana la isaga yimi, ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka jawaabay weerarkan ay soo qaadeen Puntland iyo huwanta la socotaa.

Wasaaradda Gaashaandhiga  Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Telefishanka Qaranka Somaliland ayaa baahiyey Maxaabiis iyo Gaadiid Dagaal oo ay sheegeen in laga qabsaday Ciidamada Puntland.

Geesta kale Afhayeenka Guddida Aayo Ka Tashiga Gobolka Sool, ayaa ku eedeeyey Somaliland in ay weerar ku soo qaadeen Ciidamadooda.

 

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button