Warar

Wasaaradda Waxbarashada Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Qorshe ay Wado Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu

Wasaaradda Waxbarashada Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Qorshe ay Wado Hay'adda Shaqaalaha Dawladdu

Muddo saddex Sanno ah waxa ku xaniban Hay’adda Shaqaalaha Dawladda in ka badan 300 oo Macalin, kuwaas oo wax ka dhiga Gobolada Dalka.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax, ayaa xannibay iney Macalimiintaasi si rasmi ah ugu biiraan Shaqaalaha rasmiga ah ee Dawladda, iyada oo Miisaaniyadda Wasaaradda ee sannadaha 2021-kii, 2022-kii iyo kan haatan lagu jiro ee 2023-kaba ay miisaaniyadoodu ku jirto.
Ilaa hadda ma cadda sababta Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalahu u diidanyahay Shaqaaleysiinta Macalimiinta, balse waxa warqad kasoo baxdey Xafiiska Wasiirka Waxbarashadda Ahmed Mohamed Diiriye (Toorno) uu si kulal uga hadley arrintaas, iyada oo Wasaaraddu ka hor-timid War uu todobaadkan soo saarey
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo ku saabsan in xal laga gaadhey Macalimiinta Mudada dheer sugayey iney shaqaale rasmi ah noqdaan.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button